Gaza: In ka badan 300 qof oo lagu dilay muddo 24-saac gudahooda

Image
Kooxda Xamaas ayaa ku goodisay in ay dili doonto maxaabiista Yahuuda haddii aan la fulin dalabkooda.

DOOXA, Qadar - Dagaal ba’an ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay lagu dilay ku dhawaad ​​300 oo falastiiniyiin ah gudaha magaaladda Gaza, sidda ay sheegtay Waaxda Caafimaadka ee taabacsan kooxda Xamaas.

Iska-hor-imaadkan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo hanjabaad ay is-weydaarsadeen kooxda hubeysan ee Xamaas iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Duqeymaha Israa’iil ayaa ka sii socday guud ahaan dhulka la go’doomiyay ee Gaza Axaddii, sida waqooyiga Qaza oo dhammaan xaafadihii ay dhulka la simeen duqeymo xagga cirka ah.

Ciidamada dhulka ee Yahuuda oo howlgalayay aaggaas in ka badan lix toddobaad ayaa  weli iska caabin xooggan kala kulmayaan dagaalyahannada Xamaas.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza, Ashraf al-Qudra oo wareysi uu siiyay Telefeshinka Al Jazeera ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay Qaza ku dhinteen 297-ruux halka in ka badan 550-qof ay ku dhaawacmeen.

Tani ayaa waxa ay tiradda dhimashada tan iyo markii uu dagaalka bilowday 7-dii October ka dhigeysa in ka badan 18,000 oo qof. Inta badan waa haween iyo carruur.

Weerarada Israa’iil ee Gaza ayaa sii socday maalintii 65-aad ee Axadda, iyadoo Xamaas ay ka digtay in wax maxaabiis ah oo ay qabteen 7-dii October aysan ka bixi doonin Gaza iyagoo nool haddii aan la fulin dalabaadkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM