Gaza: Yahuuda oo labo asbuuc gudaheeda ku dishay in ka badan 400 qof

Image
Warbaahinta ayaa xustay in ay si weyn u sii kordheen duqeymaha ay Israa’iil la beegsanayso aagaga shacabka.

DOOXA, Qadar - Xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay beegsadeen 1,050 guri oo ku dhow dhismaha caafimaadka ee Al Shifa, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 400 oo falastiiniyiin ah labadii toddobaad ee u dambeeyay.

Xafiisku wuxuu dhaleeceeyay "aamusnaanta caalamiga ah ee dembigan".

Dhinaca kale, ciidamada gaarka ah ee Israel ayaa isku gadaamay guri ku yaal deegaanka Al Baraka, oo ku yaala koonfurta Deir al Balah ee bartamaha Gaza.

Isla mar ahaantaana, madaafiic xooggan oo loo adeegsaday maraakiibta badda iyo kuwa dhulka ayaa lagu garaacay teendhooyin ay ku jiraan dad barakacayaal ah iyo aagga Chalet ee kasoo horjeeda dekedda Khan Younis.

Warbaahinta ayaa xustay in ay si weyn u sii kordheen duqeymaha ay Israa’iil la beegsanayso Deir al Balah ee bartamaha Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM