Gaza: Yahuuda oo labo asbuuc gudaheeda ku dishay in ka badan 400 qof

Image
Warbaahinta ayaa xustay in ay si weyn u sii kordheen duqeymaha ay Israa’iil la beegsanayso aagaga shacabka.

DOOXA, Qadar - Xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay beegsadeen 1,050 guri oo ku dhow dhismaha caafimaadka ee Al Shifa, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 400 oo falastiiniyiin ah labadii toddobaad ee u dambeeyay.

Xafiisku wuxuu dhaleeceeyay "aamusnaanta caalamiga ah ee dembigan".

Dhinaca kale, ciidamada gaarka ah ee Israel ayaa isku gadaamay guri ku yaal deegaanka Al Baraka, oo ku yaala koonfurta Deir al Balah ee bartamaha Gaza.

Isla mar ahaantaana, madaafiic xooggan oo loo adeegsaday maraakiibta badda iyo kuwa dhulka ayaa lagu garaacay teendhooyin ay ku jiraan dad barakacayaal ah iyo aagga Chalet ee kasoo horjeeda dekedda Khan Younis.

Warbaahinta ayaa xustay in ay si weyn u sii kordheen duqeymaha ay Israa’iil la beegsanayso Deir al Balah ee bartamaha Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM