Geerida dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya oo dhaaftey 15,000 qof

Image
Ugu yaraan 23 milyan ruux ayay saameysay musiibadan iyadoo dhismayaal ku burbureen koonfurta Turkiga iyo waqooyi-galbeed ee Suuriya.

ANKARA, Turkey - Dhimashada dhul-gariirka Turkiga ayaa kor u dhaaftay 12,000 oo qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud in ka badan 15,000 oo qof marka lagu daro tiradda dadka ku dhintey Suuriya, sidda saxaafada ay qortey.

Wakaaladda maareynta musiibooyinka ee Turkiga, Afad, ayaa sheegtay in dhimashadii ugu dambeysay ay ahayd ugu yaraan 12,391, halka 62,914 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda Turkiga ee Anadolu, dhismeyaasha ku burburay dhul-ruxankan ayaa gaaraya malaayiin iyadda oo ay socdaan "gurmadka aan kala joogsi lahayn".

Suuriya, dhimashadu waxay kor u kacday ugu yaraan 2,950, sida ay sheegeen xukuumadda Bashar al-Assad iyo adeegga samatabbixinta ee ka hawlgala waqooyiga galbeed ee fallaagada gacanta ku hayso.

Midowga Yurub ayaa dhanka kale ku dhawaaqay shir deeq loogu uruurinayo wadamadda kala ah Suuriya iyo Turkiga "si ay dalalka gacan uga geystaan gurmadka dadka tabaaleysan".

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo gargaarka ay ka imaanayaan caalamka oo dhan iyo Qaramada Midoobay, gargaar xaddidan ayaa gaaray waqooyi-galbeed ee Suuriya sababo ku aadan xaalada ammaan.

Si arrintan wax looga qabto, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in Ankara ay ka shaqaynayso sidii ay Suuriya uga furi lahayd laba albaab oo kale oo xuduudda ah si ay u suurogasho qulqulka gargaarka bani'aadamnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM