Giriiga: In ka badan 30 rakaab ah oo ku naf-waayay shil tareen

Image
Shilkan ayaa ka dhacay meel ka baxsan magaalada Larissa goor dambe oo Salaasadii shalay ahayd.

ANKARA, Turkey - Ugu yaraan 32 qof ayaa ku geeriyootay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen laba tareen oo marayay bartamaha waddanka Giriiga.

Shilkan ayaa ka dhacay meel ka baxsan magaalada Larissa goor dambe oo Salaasadii shalay ahayd markii tareen rakaab ah oo ka soo ambabaxay magaalada Athens kuna sii jeeday magaalada Tesaloniika ee woqooyiga dalkaasi ay isku dhaceen tareen xamuul oo ka soo ambabaxay magaalada Thessaloniki.

Cutubyo ka tirsan cisbitaalka oo loogu talagalay in ay daaweeyaan dadka ku gubtay aagga ayaa si degdeg ah loogu yeeray si ay u baxbaaniyaan dhibaneyaasha dhacdadan.

Maamulka tareenada ee Hellenic Train oo qoraal koobay soo saarey ayaa sheegay in 350 qof ay saarnaayeen tareenka, kaas oo ka baxay Athens abbaare 7.30pm (17:30 GMT).

Intaas waxaa wehlisa, Waaxda Dab-damiska oo dhankeeda bayaan kooban faafisay ayaa hoosta ka xariiqdey in lagu wargeliyay shilkan wax yar ka hor saqdii dhexe ee xalay.

Shir deg deg ah oo dowladeed ayaa la abaabulay shilka kadib, waxaana goobta tagay wasiirka caafimaadka Giriiga Thanos Plevris kaasoo u tacsiyeeyay ehelada dadka dhintay.

Hanaanka Tareenadda Talyaaniga ayaa qeyb ahaan waxaa sanadkii 2017-kii la wareegtay shirkad laga leeyahay Talyaaniga waxaana ay qeyb ka ahayd qorshe lagu kordhinayo badqabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM