Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

Image
137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

Quds (GO) - Diblomaasiyiin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu u codayn doono, maalinta Jimcaha, codsi oo u soo gudbiyay maamulka Falastiin kuna saabsan in xubinnimo buuxda ay ka helaan QM.

Billowgii bishan Abriil, maamulka Falastiin ayaa golaha ammaanka ka codsaday inay dib u eegaan codsigii ay gudbisay 2011-kii si ay xubin buuxda uga noqoto Qaramada Midoobay, inkastoo Maraykanka oo haysta codka diidmada qayaxan uu si cad u muujiyay sida uu uga soo horjeedo dadaalkan.

Dublamaasiyiintu waxay tilmaameen in codaynta la qorsheeyay inay dhacdo Jimcaha, waxaana laga codsaday193-ka waddan ee Qaramada Midoobay ka kooban yahay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay inay taageeraan qaraarka qabyada ah ee Dawladda Falastiin ku heleyso xubinnimada buuxda ee Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtay maamulka Falastiin, 137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM