Golaha Ammaanka oo ansixiyey xabad-joojin laga sameeyo Gaza

Image
Mareykanka ayaa taageeraya xabad-joojintan wallow ay diidan tahay Israa'iil.

WASHINGTON, USA - Markii ugu horreysay tan iyo markii Israa’iil ay dagaalka dhiigga badan ku daatay ee Gaza billowday siddeed bilood ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay xabbad-joojin degdeg ah - laakiin su'aalo badan oo ku saabsan hirgelinteeda ayaa weli taagan.

Xamaas ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay gasho wada xaajood aan toos ahayn si loo dhaqan geliyo mabaadi'da qaraarka "kuwaasi oo la socda dalabaadka dadkeena iyo iska caabinta".

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay Xamaas inay aqbasho heshiis xabbad joojin ah oo uu Maraykanku taageerayo, ka dib markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Isniintii ansixiyay qaraar ku baaqaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza.

“Xamas waxay sheegtay inay doonayso xabbad joojin. Heshiiskani waa fursad lagu caddeeyo inay ula jeedaan sidda ay hadalka u dhigayaan,” ayuu ku qoray bartiisa X (Twitter).

Xamaas ayaa soo saartay bayaan ay ku soo dhawaynayso qaraarka Qaramada Midoobay wax yar ka dib markii la meelmariyay, waxayna sheegtay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso dhexdhexaadiyeyaasha si loo dhaqangeliyo.

Mareykanka ayaa ku andacoonaya in dowladda Israa’iil ay soo jeedisay hindise xabbad-joojin ah oo hadda miiska saaran, laakiin bayaannada dadweynaha ee xubnaha muhiimka ah ee isbahaysiga Netanyahu, oo uu ku jiro ra'iisul wasaaraha laftiisa, ayaa su'aal galiyay sida ay uga go'an tahay heshiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM