Golaha Niger oo dhaliilay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Image

NIAMAY, Niger - Milatariga Niger oo xukunka la wareegay dabayaaqadii bishii Luulyo ayaa dhalleeceeyay Jimcihii "ficillada khiyaanada leh" ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, iyagoo ku eedeeyay "in uu carqaladeynayo" ka qaybgalka wakiilka Dalka Niger ku matalayo shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay. .

Taliska milatariga ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “Golah difaaca qaranka iyo jamhuuriyada Niger waxay ugu baaqayaan bulshada Caalamka inay markhaati ka noqdaan ficilada khiyaanada ah ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay taas oo wiiqi doonta dadaal kasta oo lagu soo afjarayo qalalaasaha dalkeenna.

Goluhu ayaa sheegay in Guterres uu galay khalad, isagoo hor istaagay in Niger ay si buuxda uga qaybgasho kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Goluhu wuxuu bayaankiisa ku daray in Niger ay si adag u diidayso oo ay u cambaaraynayso faragelinta cad ee Guterres uu ku hayo arrimaha gudaha ee dawlad madax-bannaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM