Goob gabaad u ahayd rayid oo lagu duqeeyay koonfurta Gaza

Image
Laba madfac oo taangi ah ayaa ku dhacay xaruntan oo ay lahayd Qaramada Midoobay.

DOOXA, Qadar - Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyoodey 75 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii la duqeeyay xarun Qaramada Midoobay leedahay oo ay ku hoydaan dad rayid ah kuna taala Khan Younis ee koonfurta Gaza.

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee Falastiin (UNRWA), laba madfac oo taangi ah ayaa ku dhacay Xarunteeda Tababarka ee Khan Younis intii uu socday dagaalka ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada.

Guddoomiyaheedu  oo qoraal ku qornaa luuqad adag soo saarey ayaa waxa uu cambaareeyay "xadgudubkan qaawan ee ka dhanka ah xeerarka aasaasiga ah ee dagaalka".

Milatariga Israa’iil ayaa shaaca ka dhigay in ay meesha ka saareen in dhacdadani ay ka dhalatay duqeyn cirka ama madaafiic ah oo ay ciidamadooda ku qaadeen.

Waxa ay intaa ku dartay in ay dib u eegis ku samaynayso hawlgallada Israa’iil ee ka ag dhowaa oo ay baarayaan suurtogalnimada in uu ahaa "fal ay geysatay Xamaas".

Ciidamada Israel ayaa dagaal adag kula jira dagaalyahanada Xamaas, xilli ay ku sii siqayaan galbeedka Khan Younis, maalin ka dib markii militariga uu sheegay inay gabi ahaanba hareereeyeen magaalada.

Iska horimaadyada iyo duqeymaha ka dhacayay labada isbitaal ee ugu waaweyn magaalada Khan Younis ayaa sidoo kale waxa ay sababtay in kumanaan bukaan ah, shaqaale iyo dad kale ay ka bixi waayeen taas oo halis gelisay naftooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM