Guddiga Doorashooyinka Masar oo daqiiqado ka dib ku dhawaaqi doona Natiijada Doorashada

Image
Madaxweynaha cusub ayaa xilka loo dhaarin doonaa 3-da April 2024.

CAIRO, Masar - Guddiga Doorashooyinka Qaranka Masar ayaa shir jaraa’id qaban doona maanta oo Isniin ah, saacadu marka ay tahay 2-da duhurnimo, iyaga oo ku dhawaaqi doona natiijada doorashada madaxtinimada ee 2024-ka.

Guddiga ayaa shaaciyay in aanay jirin wax cabasho ah oo ka soo yeeray Afarta Murrashax ee u tartamaya Doorashada Madaxweynaha, kuwaas oo ka dhan ah go’aamadii ay Guddiyada guud ka soo saareen habraaca codaynta.

Tilmaamayaasha hordhaca ah ayaa muujinaya in musharax Abdel Fattah El-Sisi uu ku soo baxay doorashada madaxtinimada, isagoo helay tiro kor u dhaafaya 90%.

Madaxweynaha cusub ayaa xilka loo dhaarin doonaa 3-da April 2024, iyadoo loo cuskanayo qodobka 241-aad ee dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM