Guddiga Doorashooyinka Masar oo daqiiqado ka dib ku dhawaaqi doona Natiijada Doorashada

Image
Madaxweynaha cusub ayaa xilka loo dhaarin doonaa 3-da April 2024.

CAIRO, Masar - Guddiga Doorashooyinka Qaranka Masar ayaa shir jaraa’id qaban doona maanta oo Isniin ah, saacadu marka ay tahay 2-da duhurnimo, iyaga oo ku dhawaaqi doona natiijada doorashada madaxtinimada ee 2024-ka.

Guddiga ayaa shaaciyay in aanay jirin wax cabasho ah oo ka soo yeeray Afarta Murrashax ee u tartamaya Doorashada Madaxweynaha, kuwaas oo ka dhan ah go’aamadii ay Guddiyada guud ka soo saareen habraaca codaynta.

Tilmaamayaasha hordhaca ah ayaa muujinaya in musharax Abdel Fattah El-Sisi uu ku soo baxay doorashada madaxtinimada, isagoo helay tiro kor u dhaafaya 90%.

Madaxweynaha cusub ayaa xilka loo dhaarin doonaa 3-da April 2024, iyadoo loo cuskanayo qodobka 241-aad ee dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM