Hamza bin al-Hussein oo baneeyay xilkiisa boqortooyada Jordan

Image
Bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa loo xiray eedeymo ku saabsan musuqmaasuq.

AMMAN, Jordan - Amiir Hamza bin al-Hussein, oo hore u ahaan jiray dhaxal sugaha Boqortooyada Urdun oo xabsi guri la galiyay sanadkii hore, ayaa Axadii ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay darajadiisa ​​boqornimo sababo ku aadan in uu qoonsadey "siyaasadaha Jordan ee hadda socda".

Hamza ayaa lagu eedeeyay bishii April ee la soo dhaafay inuu isku dayay inuu khalkhal geliyo boqortooyada oo uu maleegayay shirqool shisheeye, balse wuxuu kaga badbaadiyay ciqaabta in uu wadashaqeyn u balanqaadey Boqor Cabdallah oo ay walaalo yihiin.

Warqadda lagu daabacay bartiisa Twitter-ka ayuu Xamza ku sheegay "in wixii uu indhihiisa ku arkay sannadihii la soo dhaafay ay ku qasbayaan in uu aqbalo nidaamka shaqo ee hay'adaha dowliga ah ee Jordan".

"Waxa aan gartay in qirashadayda shakhsi ahaaneed iyo mabaadi'da aan aabbahay (Marxuum Boqor Xuseen) igu beeray aanay waafaqsanayn waddada, awaamiirta iyo hababka casriga ah ee hay'addeenna," ayuu qoray.

Hamza, oo 42 jir ah, ayaa loo magacaabay dhaxal-sugaha markii uu dhintay Boqor Xuseen 1999-kii, Cabdallahna uu noqday boqor, laakiin waxa uu lumiyay darajadas shan sano ka dib markii Abdullah uu wiil uu dhalay ka dhigay dhaxal-suge.

Sannadkii hore waxa la dhigay xabsi guri ka dib markii uu eedaymo musuqmaasuq iyo xukun kali-talis ah u jeediyay. Khilaafka ayaa halis ku noqday sawirka nabadeed Urdun oo ah hoyga xasilloonida Bariga Dhexe ee aan la saadaalin karin.

"Waxaan sii wadi doonaa in aan ugu adeego dalkeyga Urdun aniga oo u maraya nolosheyda gaarka ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Hamza isaga oo aan si toos ah u carabaabin hadii uu u ololeyn doono sidii uu u noqon lahaa boqorka Urdun ama xil kale oo uu baadigoobi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadal Iiraan lala bilaabay — maxaa dhab ah?

In ka badan 2,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalkan, badankoodna waxay….

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 06:58PM

Mareykanka iyo Israa’iil oo lagu eedeeyay inay buunbuuninayaan guulaha ay ka gaareen dagaalka Iran

Madaxweynaha ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay inuu dib u dhigi doono weerarada ilaa dhammaadka toddobaadka.

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 02:55PM