Hashem iyo Naciim: Labada nin ee ku loolamaysa hogaanka Xisbullah

Image
Su'aasha la xiriirta cidda badalaysa Xasan Nasrallah ayaa ah hal-xiraaha haatan horyaalla dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Lubnaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dilka Xoghayihii Guud ee Ururka Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa firaaq dhanka hogaanka ah ka dhex-abuurtey dhaq-dhaqaaqa hubeysan ee ka dhisan dalka Lubnaan.

Su'aasha ugu culus ee haatan ka dhex-guuxeysa kooxda ayaa waxay la xiriirtaa cidda badali doonta Xasan Nasrullah kaasoo Jimcihii ay Israa'iil ku dishay duqeyn ay ka fulisay koonfurta Bayruut.

Nasrallah waxa uu noqday xoghayaha guud ee Xisbullah sannadkii 1992-kii isagoo ku jira da'da 30-meeyada, waxaana uu hoggaaminayay dhaqdhaqaaqa inta badan da'diisa.

In Xisbullah ay hesho cidda ku haboon hogaanka ururka waa mid adkaan doonto maadaama ay u muuqato inay sii socdaan werarada Israel iyo xitaa duullaan dhinaca dhulka ah oo ay ku qaadaan koonfurta Lubnaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira laba qof oo hormood ah oo loo malaynayo inay ku loolamayaan inay noqdaan dhaxal-sugaha Nasrallah: Hashem Safieddine iyo Naim Qassem.

Hashem Safieddine

Madaxa golaha fulinta ee Hezbollah iyo ina-adeerka Nasrallah, Safieddine ayaa si weyn loo aaminsan yahay in uu ugu cad-cad yahay inuu noqdo xoghayaha guud ee xiga ee dhaqdhaqaaqa.

Safieddine waxa uu ku dhashay 1964-tii tuulada koonfurta ku taal ee Deir Qanoun en-Nahr, una dhaw Tire, Safieddine waxa uu cilmiga fiqiga kula bartay Nasrallah labada xarumood ee ugu waaweyn ee barashada diinta shiicada, magaalada Ciraaq ee Najaf iyo Qom, ee Iran. Labaduba waxay ku biireen Hezbollah maalmihii aas-aaska ee ururka.

Naciim Qaasim

71-sano jirkan waa ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbullah, waxaana inta badan loogu yeeraa marka la joogo gudaha dhaqdhaqaaqa "hogaamiyaha labaad".

Waxa uu ku dhashay gobolka Nabatieh ee Kfar Kila, oo ah tuulo ku taal koonfurta Lubnaan oo ay la kulmeen weeraro badan oo Israel ah, gaar ahaan tan iyo bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM