Haweenay Indhoole ah oo saadaalisay Musiibo Nukliyeer oo ku soo fool leh Dunida

Image

WASHINGTON - Haweenay caan ah oo lagu magacaabi jiray Baba Vanga, oo la sheegay inay horey u saadaalisay weerarradii Mareykanka 9/11, soo-ifbaxa Dacaish iyo cudurka COVID-19, ayaa sidoo kale saadaalisay musiibo nukliyeer dhammaadka 2023.

Haweenaydan indho la’aanta ahayd ayaa geeriyootay sanadkii 1996-kii, iyadoo ka hor inta aysan geeriyoon ay saadaalisay dhacdooyin kala duwan oo aduunka ka dhacay, kuwaas oo qaarkood rumoobay oo ay ka mid tahay qaraxii Warshadda Niyukleerka Japan ee Fukushima, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska New York Post.

Saadaasha ugu dambeysay ayaa ah "masiibo nukliyeer ah oo ba'an" taasoo sababi doonta "daruuro sun ah inay degaan Asia."

Vanga oo u dhalatay dalka Bulgaria, ayaa sidoo kale saadaalisay in uurka dabiiciga ah la mamnuuci doono, dhallaankana lagu korin doono shaybaarada sanadka 2023.

Waxaa lagu soo warramayaa in ay sheegtay in hoggaamiyeyaasha adduunku ay dooran doonaan cidda dhalanaysa, waalidiintuna ay awood u yeelan doonaan in ay habeeyaan dabeecadaha iyo muuqaalka ubadkooda.

Vangeliyaa Pandeva Gushterova ayaa lagu soo waramayaa inay lumisay indhaheeda intii lagu jiray duufaan siigo wadatay, iyadoo 12 jir ah oo ku sugan Romania. Taageerayaasheedu waxay ku andacoonayaan inay heshay awoodaheeda inta lagu jiro wakhtigan.

Marka la eego saadaasha weerarradii Mareykanka 9/11, erayadeeda saxda ah, sida New York Post lagu sheegay, waxay ahaayeen: "Walalaha Maraykanku way dhici doonaan ka dib markii ay soo weerareen shimbiraha birta."

Inkastoo qaar badan oo ka mid ah saadaasha Vanga ay rumoobeen, saadaasha qaar, sida dagaal nukliyeer ah oo u dhexeeya 2010 iyo 2014 iyo dhammaadka Yurub ee 2016, markii Brexit dhacay, ma rumoobin.

Waxaa sidoo kale waxay saadaalisay in madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka, Donald Trump, uu wajihi doono qalalaase "dalka hoos u dhigaya."

Saadaasha qaar ee aan la xaqiijin waxaa ka mid ah madaxweynaha Barack Obama, dilkii ra'iisul wasaarihii hore ee Hindiya Indira Gandhi iyo geerida Princess Diana.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM