Haweeneey u taagneyd Madaxtinimada Ruushka oo laga reebay tartanka

Image
Kremlin-ka ayaa sheegay in Putin uu ku guulaysan doono doorashada.

MOSCOW (GO) - Mas'uuliyiinta Ruushka ayaa ka saaray Ekaterina Dontsova tartanka madaxtinimo ee dalkaas, sababo la xiriira "khaladaad ka jiro codsigeedii ay isku diwaangelisay".

Muuqaal laga baahiyay guddiga ayaa muujinaya xubnaha guddigaasi oo cod aqlabiyad ah ugu codeeyey in aan la aqbalin musharaxnimadeeda.

Guddoomiyaha guddiga Ella Pamfilova ayaa tiri: "Waxaad tahay qof dumar ah oo da 'yar. Wax kasta oo xun ayaa mar qura loo rogi karaa faa'iido, tijaabo kasta waxaa ka dhaxli doonta waayo-aragnimo."

Go’aankan ayaa yimid 3 maalmood ka dib markii Dontsova (40 jir) ay u gudbisay guddiga doorashada codsiga musharaxnimo, waxayna damacday inay tartanka ku gasho barnaamij ay ka mid yihiin joojinta dagaalka Ukraine iyo sii deynta maxaabiista siyaasadeed.

Kremlin-ka ayaa sheegay in Putin uu ku guulaysan doono doorashada taageerada wax ku ool-ka ah oo uu ka helo bulshada awgeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM