Hay'adda WFP oo hakisay gargaarkii ay gaarsiin jirtey marinka Gaza

Image
Hakintan ayaa ka dambeysay kadib markii Yahuuda ay la beegsadeen duqeymo xooggan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cindy McCain, oo ah agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), ayaa sheegtay in qaybinta gargaarka ee loo marayo marinka uu Maraykanku ka dhisay Qaza "la hakiyay".

Go'aankan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka gadaal markii welwelka laga qabo bad-qabka gargaarka iyada oo lagu jiro weerarradii ugu dambeeyay ee Israel ku hayso Gaza.

McCain ayaa faallooyinkeeda sheegtay ka dib markii wax laga waydiiyay hawlgallada ka socda godka mar ay waraysi siisay telefishanka Maraykanka ee CBS.

"Hadda, waan hakinay," ayay ku tiri barnaamijka Face the Nation, iyadoo intaas ku dartay in laba ka mid ah bakhaarrada WFP ay sidoo kale ku dhaceen gantaallo hal qofna uu ku dhaawacmay.

"Waxaan ka walaacsanahay badbaadada dadkeena. Dib ayaanu u soo laabanay wakhtigan… si aan u hubinno in aanu ku suganahay shuruudo nabdoon iyo dhul nabdoon ka hor inta aanan dib u bilaabin," ayay xustey.

McCain ayaa hadalkeeda waxa ay kusoo gabagabeysay: "Laakiin dalka intiisa kale wuu shaqeeyaa. Waxaan sameyneynaa wax walba oo aan awoodno waqooyiga iyo koonfurta."

McCain ma aysan sheegin goorta laga yaabo in howlgallada ay dib uga bilowdaan godka, kaasoo la dhameeyay bartamihii bishii May, balse ay waxyeello kasoo gaartay duufaan, taasoo la micno ah in howgallada la hakiyay laba toddobaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM