Hezbollah oo hakiyay weerarada ka dhanka ah Maraykanka

Image
Go’aanka Hezbollah ayaa imaanaya maalin ka dib markii lagu eedeeyay weerarkii lagu dilay askar Mareykan ah.

Baqdaad (GO) - Guutada Hezbollah ee Ciraaq oo ay taageerto Iran ayaa ku dhawaaqday in ay hakiyeen dhammaan howlgalladii militari ee ka dhanka ahaa ciidamada Mareykanka.

Go’aanka Guutada ayaa imaanaya maalin ka dib markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah oo ka dhacay dalka Urdun.

Kooxdan oo uu Maraykanku ku daray liiska argagixisada, ayaa go’aankooda ku macneeyay in aysan doonin inay “ceebayaan” dawladda Ciraaq oo cambaaraysay weerarka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Docda kale, afhayeenka Pentagon-ka Pat Ryder ayaa yiri: "Waxaan akhrinay bayaankii Xisbullah Ciraaq oo ay ku shaaciyeen joojinta howlgalladooda ka dhanka ah ciidamadeena, waxaana leenahay ficillada ayaa ka muhiimsan hadalka."

Go’aanka kooxdan ayaa imaanaya saacado yar kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu qaatay go’aankiisa ku aadan sidii uu uga jawaabi lahaa weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM