Hezbollah oo sheegtay in ay beegsadeen taangi ay leedahay Israa'iil

Image
Weerarkan ayaa qeyb ka ah ololaha iska-caabinta ee ay waddo kooxda reer Lubnaan.

LONDON, UK - Xisbullah ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay adeegsadeen gantaal la hago oo ka hortaga hubka ay ku garaaceen taangi ay leeyihiin Isreal ee Merkava, xilli ay ku sii siqayeen deegaanka keymaha Maroun, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Hezbollah ayaa sheegatay todobo weerar oo ay ku qaadeen ciidamada Israel ilaa iyo maanta iyagoo isku dayaya inay balaariyaan duulaanka dhulka ee Lubnaan, iyadoo kii ugu dambeeyay ay u adeegsadeen gantaal Fadi 1 ah oo ay ku garaaceen saldhiga milatari ee Ramat David oo u dhow magaalada waqooyiga ku taal ee Haifa, qiyaastii 45km (30) mayl) laga bilaabo xadka Lubnaan.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalyahanadeeda ay qaadeen dhowr gantaal oo ay ku bartilmaameedsanayeen askarta Israa’iil ee ku dhow xadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM