Hindiya: Dad ku dhintay dhisme ku dumay gobolka Uttar Pradesh

Image
Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 28 kalana waa ay ku dhaawacmeen dhacdadan.

NEW DELHI, India - Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 28 kalana waa ay ku dhaawacmeen markii uu ku soo dumay dhismo ku yaalla waqooyiga gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dhisme saddex dabaq ah ayaa ku soo dumay magaalada Lucknow galinkii dambe ee Sabtidii, taasoo keentay in maamulka uu billaabo hawlgal samatabbixin ah.

RN Singh, oo ah sarkaal booliis ah, ayaa xaqiijiyay dhaawaca wuxuuna sheegay in dadka dhaawacmay loo qaaday isbitaal si loogu daweeyo.

Saraakiisha ayaa sheegay in gurmadka uu socdo.

Dhismahan ayaa la dhisay sanado ka hor, waxaana dhismuhu uu socday markii uu shilku dhacay, sida uu sheegay booliisku.

Inta badan dhibbanayaashu waxay ka shaqaynayeen dabaqa hoose, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Hindiya.

Waxa ay sheegtay in dhismuhu uu lahaa "tabobar mootada iyo bakhaar ku yaal dabaqa hoose, godown caafimaad (qol sahayda) oo ku yaal dabaqa koowaad iyo bakhaar wax lagu gooyo oo ku yaal dabaqa labaad."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM