Hindiya: In ka badan 25 qof oo ku dhintey dab qabsadey bas rakaab

Image
Baska gaarka loo leeyahay ayaa ka yimid magaaladda Nagpur kuna socday dhigeeda Pune.

NEW DELHI, Hindiya - 25 rakaab ah oo saarnaa bas ayaa dhintay kadib markii uu dab ku qabsaday galbeedka Hindiya, sidda laga soo xigtey laamaha ammaanka iyo warbaahinta maxaliga ah.

Shilkan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Jidka lagu magacaabo Samruddhi oo ku yaalla degmada Buldhana ee gobolka Maharashtra Sabtida maanta ah, sidda ay booliisku sheegeen.

Baska gaarka loo leeyahay ayaa ka yimid magaaladda Nagpur kuna socday magaaladda Pune ayaa shilkan galay abaare 1.30 subaxnimo meel u dhow tuulada Pimpalkhuta, sida ay booliisku sheegeen.

Sidda laga soo xigtey warbixinta bileyska, baska ayaa marka hore waxa uu ku dhacay geed weyn taas oo keentey in uu rogmado kadibna uu dab xooggan ka kaco.

"Waxaa baska saarnaa 33 qof oo rakaab ah," ayuu sarkaal ciidan oo saxaafadda soo xigatay, isagoo intaa ku daray siddeedda rakaab ah ee badbaaday in la dhigay isbitaal u dhow.

Sarkaalkan oo magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogolayn in uu la hadlo saxaafadda ayaa intaas ku daray: "Qaar badan oo ka mid ah rakaabka ayaa waxay kasoo jeedaan Nagpur, Wardha iyo Yavatmal".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM