Hindiya: Ku dhowaad 30 qof oo ku geeriyootay dagaal beeleed

Image
Ku dhawaad ​​10,000 ruux kale ayaa lagu soo waramay inay u barakaceen sababo ku aadan qulqulatooyinkan.

NEW DELHI, India - Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay isku-dhacyo salka ku haya isir oo ka dhacay gobolka waqooyi bari ee dalka Hindiya ee Manipur, sidda ay saraakiishu sheegeen.

Rabshadaha ayaa billowday horraantii usbuucan kadib markii dadka loo arko in ay asal ahaan degaan gobolkan ay sameeyeen isu-soo-bax ay kaga soo horjeedaan tillaabooyinka lagu siinayo maqaamka qabiilka ee qowmiyadda ugu weyn gobolka.

Kooxo ayaa weeraray guryo, gaadiid, kaniisado iyo macbadyo. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaareyso 54 qof isla markaana dhaawaca uu intaas kasii badan yahay.

Ku dhawaad ​​10,000 oo qof ayaa lagu soo waramayaa inay barakaceen sababo ku aadan qulqulatooyinkan. Kumanaan ciidamo ah ayaa loo diray aaggan si ay xaalada u xakameeyaan.

Degmooyin dhowr ah ayaa lagu soo rogay bandow, waxaana la joojiyay isticmaalka internet-ka taasoo hoos-u-dhigtey fursada macluumaad dheeraad ah looga heli karo xaaladda degaanka.

Dowlad goboleedyadda deriska ka ah Manipur ayaa bilaabay inay ardaydooda ka daadgureeyaan magaalada Manipur, oo ku taal waqooyi bari Hindiya, una dhow xadka Myanmar.

Qabiilka Meitei, oo ah ugu yaraan 50% ka ah dadweynaha gobolka Manipur, ayaa waxa uu dalbanayay muddo sanado ah in la siiyo maqaamka ugu sareeya degaanka.

Hindiya ayaa isbadal ku sameysay xeer dhaqameed ahaa in shaqooyinka dowladda, iskuulada iyo kuraasta lasoo doorto ee heerarka dowlad goboleedyada lagu qeybiyo qaab beeleed.

Xeerkan wuxuu beesha Meiteis siinayay inay helaan dhulalka kaynta waxayna dammaanad qaadayaan in aysan heli doonin qayb ka mid ah shaqooyinka dawladda iyo boosaska xarumaha waxbarashada.

Qabiilada kale ayaa waxay ka walaacsan yihiin inay lumiyaan gacan ku haynta guryaha kaynta awoowayaashood taasoo dhabaha u xaartey isku-dhacan dhimashadda badan sababay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM