Hindiya oo ka go'an inay magaceeda u beddesho "Bharat"

Image

NEW DELHI, Hindiya - Dowladda Hindiya ayaa ku tala jirta inay magaca dalkaas u bedesho "Bharat," sida ay sheegeen wakaaladaha wararka.

Talaabadan ayaa ka turjumeysa dadaalada uu xisbiga Hinduuska ee talada haaya ku doonayo in meesha looga saaro waxa ay u arkaan magacyada laga dhaxlay gumeysiga.

Wararka ka imaanaya Hindiya ayaa sheegaya in xukuumadda Modi ay ka go’an tahay inay magaca rasmiga ah ee dalkaas u bedesho "Bharat."

Xukuumadda Modi ayaa soo gudbin doonto soo jeedin ku saabsan in la beddelo magaca rasmiga ah ee Hindiya inta lagu guda jiro kalfadhiga gaarka ah ee baarlamaanka oo loo qorsheeyay Sebtembar 18-22.

Tiro badan oo ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga haya talada Hindiya ee “Bharatiya Janata Party” ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin in magaca dalkaasi la bedelo.

Siyaasiyiin ka soo jeeda dalkaas ayaa sheegay in “Bharat’ uu yahay magacii hore ee dalkooda, kaas oo gumaystihii Ingiriiska u beddelay Hindiya. Waxay carrabka ku adkeeyeen in Hindiya kumanaan sano loo yaqaan "Bharat".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM