Hindiya oo ka musaafurineyso dalka 40 diblomaasi oo Canadian ah

Image

NEW DELHI - Hindiya ayaa ka codsatay Canada in ilaa 40 diblomaasiyiin Canadian ah ay isaga baxaan dalka ilaa 10ka Oktoobar, sida ay sheegeen Ilo xog-ogaal ah.

Hindiya ayaa ku hanjabtay inay xasaanadda kala laaban doonto dublamaasiyiinta ku sii sugnaada dalkaas wixii ka dambeeya taariikhda la cayimay.

Isha laga soo xigtay go’aankan ayaa xaqiijiyay in tirada diblomaasiyiinta Canadian ah ee ka howlgala Hindiya ay gaarayaan 62 diblomaasi, halka ay haatan doonayaan inay eryaan 41 ka mid ah.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii Canada ay si maldahan ku eedeesay Hindiya inay ku lug leedahay dil loo geystay muwaadin Canadian ah oo lagu magacaabo Hardeep Singh Nigar.

Dowladda Canada ayaa sidoo kale horay u shaacisay inay ka eriday dalkeeda diblumaasi u dhashay dalka Hindiya, kadib markii looga shakiyay inuu gacan ku lahaa dilkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM