Hindiya oo ka musaafurineyso dalka 40 diblomaasi oo Canadian ah

Image

NEW DELHI - Hindiya ayaa ka codsatay Canada in ilaa 40 diblomaasiyiin Canadian ah ay isaga baxaan dalka ilaa 10ka Oktoobar, sida ay sheegeen Ilo xog-ogaal ah.

Hindiya ayaa ku hanjabtay inay xasaanadda kala laaban doonto dublamaasiyiinta ku sii sugnaada dalkaas wixii ka dambeeya taariikhda la cayimay.

Isha laga soo xigtay go’aankan ayaa xaqiijiyay in tirada diblomaasiyiinta Canadian ah ee ka howlgala Hindiya ay gaarayaan 62 diblomaasi, halka ay haatan doonayaan inay eryaan 41 ka mid ah.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii Canada ay si maldahan ku eedeesay Hindiya inay ku lug leedahay dil loo geystay muwaadin Canadian ah oo lagu magacaabo Hardeep Singh Nigar.

Dowladda Canada ayaa sidoo kale horay u shaacisay inay ka eriday dalkeeda diblumaasi u dhashay dalka Hindiya, kadib markii looga shakiyay inuu gacan ku lahaa dilkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM