Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senetka Maraykanka oo dhaleeceeyay xukuumadda Israa’iil

Image
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo dhaweeyay hadalkan.

Washington (GO) - Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senetka Dimuqraadiga Chuck Schumer ayaa khudbad uu jeediyay Khamiistii ku baaqay in doorasho cusub ay ka dhacdo Israa’iil, wuxuuna si kulul u dhaliilay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo uu ku tilmaamay inuu caqabad ku yahay nabadda.

Schumer ayaa intaa ku daray in diidmada Israa’iil ee xalka labada dal ay tahay khalad weyn, waxa uu sidoo kale taageeray xabbad-joojin ku meel gaar ah, wuxuuna ku baaqay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo Qasa

“Haddii xukuumadda Netanyahu ay sii wado gacan ku haynta Qasa dagaalka ka dib, Maraykanka waa in uu si wax ku ool ah uga shaqeyo sidii nabad buuxda looga gaari lahaa bariga dhaxe”. ayuu raaciyay Schumer.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Schumer uu jeediyay khudbad wanaagsan oo uu ku muujiyay walaac xooggan, taasi oo ay wadaagaan tiro badan oo Mareykan ah.

GROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM