Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi: waa inaa u diyaargarowna dagaal

Image
Kuuriyada Waqooyi ayaa eedeymo u jeedisay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Pyongyang (GO) - Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa Khamiistii sheegay in xaaladaha siyaasadeed ee aan xasiloonayn ee ku xeeran dalkiisa ay ka dhigan tahay in la joogo waqtigii loo diyaar garoobi lahaa dagaal si ka badan sidii hore.

Kuuriyada Waqooyi ayaa xoojisay horumarinta hubka dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxayna xiriir militari iyo mid siyaasadeed la sameysatay Ruushka, iyadoo lagu eedeeyay inay Moscow ka caawisay dagaalka ay kula jirto Ukraine si ay uga caawiso mashaariicda militari ee istiraatiijiga ah.

“Haddii cadowgu uu doorto iska-hor-imaad millatari oo uu la galo Kooriya, waxaa soo gaari doona dharbaaxo halis ah, waxaana abaabuleynaa dhamaan wixii awodeena ah,” ayuu yiri Kim.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeysay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay sare u qaadeen xiisadda militari iyagoo sameeyay "Dhoolatus dagaal."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM