Hogaamiyeyaashii ugu muhiimsanaa ee Israa’iil ay ka dishay Xamaas

Image
Ismaaciil Haniyeh ayaa ahaa qofkii ugu dambeeyay ee liiskan ku biiray.

DOOXA, Qatar - Dhowrkii sano lasoo dhaafay, Yahuuda ayaa siyaabo kala duwan u beegstay hogaamiyeya ka tirsan Xamaas kuwaas oo muhiim u ahaa halganka Falastiiniyiinta.

Ismaaciil Haniyeh ayaa ahaa qofkii ugu dambeeyay ee liiskan ku biiray. Madaxii siyaasadda Xamaas ayaa lagu dilay gudaha caasimadda Iiraan ee Tehran.

January 1996: Israa’iil waxay ku dishay Marinka Gaza hoggaamiyihii militariga Xamaas Yaxya Cayaash.

March 2004: Hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Xamaas iyo aasaasihii Sheekh Axmed Yaasiin ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Qaza.

April 2004: Mid ka mid ah aasaasayaashii ururkan Cabdicasiis Al-Rantisi ayaa lagu dilay gantaal helikobter laga tuuray ah oo ku dhacay Qaza.

January 2024: Sarkaal sare oo ka tirsan ururkan, Saalax All-Arouri ayaa ku dhintay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil ka fuliyeen Baytuut.

July 2024: Ismaaciil Haniyeh, madaxa siyaasadda ee Xamaas, ayaa lagu dilay caasimadda Iiraan ee Tehran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM