Hotel ay ku badan yihiin muwaadiniinta Shiinaha oo la weeraray

Image
Beijing ayaa kamid ah dowladaha aqoonsadey Taalibaan markii ay xukunka la wareegeen.

KABUL, Afgaanistaan - Ciidamada Afgaanistaan ayaa dilay dabley saddex ahaa ​​kadib markii ay weerareen hotel ay ku badan yihiin muwaadiniinta Shiinaha oo ku yaala caasimada Kabul, sidda uu sheegay afhayeen u hadlay Talibanka talada haya.

Dableyda oo wali aan heybtooda la aqoonsan ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku galay Hotel-ka Kabul Longan oo dhaca bartamaha magaalada kuna dhow guriga martida Shiinaha.

Zabihullah Mujaahid oo u hadlay Taalibaan ayaa yiri: "Weerarka waa la soo afjaray, mana jiraan dad ajaaniib ah oo lagu dilay, inkastoo laba ka mid ah la dhaawacay xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan weerarka, iyagoo ka booday balakoonka hotelka".

Falkan ayaa yimid maalin kadib markii safiirka Shiinaha uu la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Afgaanistaan ​​oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira dhanka ammaanka, wuxuuna ka dalbaday in ahmiyad gaar ah la siiyo ammaanka safaaradda.

Shiinaha oo xuduud dhererkeedu dhan yahay 76-km (47-mile) la wadaaga dalka Afgaanistaan ayaan si rasmi ah u aqoonsan dowladda Taliban, waana mid ka mid ah dalalka dhowrka ah ee joogitaanka diblomaasiyadeed ku leh dalkaas.

Dhowr weerar oo isugu jira qaraxyo iyo toogasho ayaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacay dalka Afgaanistaan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen kooxda hubaysan ee ISIL.

Taalibaan oo awoodda la wareegtay kadib markii ciidamada shisheeye ee uu Maraykanku hogaaminayo ay isaga baxeen waddankaas bishii Agoosto 2021, waxay sheegtay in ay diiradda saarayaan sugidda ammaanka dalka balse wali dildilaaca ayaa muuqda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM

Sacuudiga oo ka qeybgalay Shir lagu difaacayo madax-banaanida Soomaaliya

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa kahor tagga faragelinta lagu hayo madax-banaanideeda .

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 11:19AM