Iiraan: Afar qof oo loo daldalay in ay la shaqeynayeen Yahuuda

Image
Fulinta xukunkan ayaa imaanaysa iyadoo Iran ay sii waddo la tacaalidda mudaaharaadyo socday muddo laba bilood ah.

TEHRAN, Iiraan - Iran ayaa dil toogasho ah ku fulisay afar qof, waxaana ay xukuntay saddex kale oo lagu eedeeyay inay la shaqaynayeen sirdoonka Israel, sidda ay ku warantey qaar kamid ah saxaafadda caalamka iyo warbaahinta maxaliga ah.

Afarta qof ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Hossein Ordoukhanzadeh, Shahin Imani Mahmoudabad, Milad Ashrafi Atbatan, iyo Manouchehr Shahbandi Bojandi.

Shaqsiyaadkan ayaa la daldalay goor hore oo Axad maanta ah ah, sida lagu sheegay website-ka rasmiga ah ee garsoorka kaasoo soo xigtay saraakiil uusan magacyadooda soo bandhigin.

Xukunka dilka ah ayaa imaanaya iyadoo Iran ay sii waddo la tacaalidda mudaaharaadyo socday muddo laba bilood ah oo qarxay bartamihii bishii Sebtembar.

Banaanbaxyadda ayaa qarxay ka dib dhimashadii Mahsa Amini, oo ah haweeney da'yar oo ay xireen booliiska anshaxa "kadib markii ay u hoggaansamin xeerka labiska ee qasabka ah".

Iran ayaa ku eedaysay Maraykanka, Israa’iil, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo Sucuudiga inay ka dambeeyaan qalalaasaha. 40 qof oo ajaanib ah ayaa la xidhay intii lagu jiray “rabshado” tan iyo bishii Sebtembar, sida uu sheegay garsoorka.

Xukunka dilka ah ee dhacay Axadii ayaan u muuqan mid si toos ah ugu xiran banaanbaxyada iyadoo shaqsiyaadka la daldalay la sheegay in ay xireen Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) iyo wasaaradda sirdoonka muddo lix bilood ah ka hor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM