Iiraan: Israa’iil waxay Shacabka Qasa ku haysaa xasuuq wadareed

Image

TEHRAN - Iiraan ayaa ku eedaysay Israa'iil inay "xasuuq" ku hayso Falastiiniyiinta Marinka Qasa, iyadoo ciidamada Israa'iil ay sii wadaan duqeymaha xooggan oo ay ku hayaan marinkaas tan iyo 7-dii Oktoobar.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Hossein Amir Abdollahian, ayaa sheegay in weerarada baahsan ee joogtada ah ee Qasa lagu hayo ay muujinayaan in ay tahay olole xasuuq ka dhan ah shacabka Falastiin”.

Maalintii sagaal iyo tobnaad ee dagaalka, tirada dhimashada ee Marinka Qasa ayaa kor u kacday, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, 6,546 qof ayaa ku dhintay dagaalka oo 2,704 ka mid ah ay yihiin carruur.

Weerarkii Xamaas ee Israa’iil ayaa isna sababay dhimashada 1,400 oo qof, sida ay sheegeen maamulka Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM