Iiraan & Jabuuti oo heshiiyay kadib khilaaf 7 sano soo jiitamayay

Image

NEW YORK, Soomaaliya - Dowladaha Jabuuti iyo Iiraan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dib loo soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed todobo sano oo colaad ah ka dib.

Go’aankan ayaa yimid ka dib wada-hadallo magaalada New York ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhiggiisa Iiraan, intii uu socday Kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Xuseen Caamir, ayaa xaqiijiyay warkan, wuxuuna muujiyay in la doonayo in la horumariyo xiriirka saaxiibtinimo iyo sare u qaadida iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay ka faa’iideysanayaan muwaadiniinta labada dal.

Jabuuti ayaa xiriirka u jartay Iiraan kadib khilaaf dhex maray Sacuudiga iyo Iiraan, balse hadda Jabuuti waxay ku biirtay dalalka kale ee Carabta oo dib usoo celiyay xiriirkoodii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM