Iiraan oo dib u fureysa xafiiskeeda wakiilka OIC ee Sacuudiga

Image
Labada dal ayaa xiriirka diblumaasiyadeed jaray 2016-kii markii dad badan ay weerareen safaarada Sacuudiga ee Tehran.

TEHRAN, Iiraan - Saddex dublamaasi oo Iiraaniyiin ah ayaa la sheegay in ay gaareen magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga si ay dib ugu furaan xafiiska wakiilka Iran ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Warbaahinta rasmiga ah ee Iran ayaa sheegtay Isniintii in dublamaasiyiinta - oo aan magacyadooda la sheegin - ay ka degeen magaalada ay xaruntoodu tahay 57-da xubnood ee ururka si ay dib u bilaabaan hawlahooda lix sano ka dib markii xafiiska la xidhay ka dib khilaaf diblomaasiyadeed.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Saeed Khatibzadeh, ayaa sidoo kale Isniintii xaqiijiyay in saddex diblomaasiyiin ay heleen dal ku galka Sacuudiga, ayna ku hawlan yihiin dadaallo dib loogu furayo xafiiska.

"Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay sidoo kale diyaar u tahay inay dib u furto safaaradeeda Sacuudiga," ayuu sidoo kale ku sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Tehraan, laakiin wuxuu intaa ku daray in tani ay ku xirnaan doonto "dadaalka wax ku oolka ah" ee boqortooyadu.

Labada dal ayaa xiriirka diblumaasiyadeed jaray 2016-kii markii dad badan ay weerareen safaarada Sacuudiga ee Tehran iyo xafiiska qunsuliyada ee Mashhad, taasoo jawaab u aheyd xukun dil ah oo ay Boqortooyada Sunniga u badan ku fulisay hogaamiye diimeed caan ahaa oo Shiico ah.

Amirabdollahian, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in labadda waddan ay u baahan yihiin inay yeeshaan "wadahadal dhow" si loo xalliyo arrimaha gobolka mustaqbalka fog.

Laakiin tan iyo bishii Abriil 2021, kooxaha isku haya gobolka waxay ku hawlanaayeen afar wareeg oo wada xaajood toos ah oo ay fududaysay Ciraaq, waxayna sheegeen in waxoogaa horumar ah la sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM