Iiraan oo "fashilisay" weeraro ay fuliyeen diyaarado drones ah

Image
Wasaaradda gaashaandhiga ee Iran ayaa warisay in uusan jirin khasaaro ka dhashay falkan.

TEHRAN, Iiraan - Wasaaradda difaaca ee Iran ayaa in ay fashilisay weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaadeen xarun ciidan oo ku taal magaalada Isfahan ee bartamaha dalkaasi.

"Weeraradu ma guulaysan mana jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay," ayay wasaaraddu ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay subaxnimadii Axaddii shalay ahayd.

Wasaaraddu ma aysan sheegin cidda looga shakisan yahay in ay weerarkaas geysatay. Hadalkan ayaa soo baxay wax yar kadib markii warbaahinta Iran ay sheegtay in qarax xooggan uu ka dhacay Isfahan.

Wararka ku saabsan weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Isfahan ayaa sidoo kale yimid iyadoo TV-ga qaranka Iran uu tabiyey in dab uu ka kacay warshad saliidda sifeysa oo ku taal aagga warshadaha ee u dhow magaalada Tabriz ee waqooyi-galbeed.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa jiray qaraxyo iyo dab dhowr ah oo ka dhacay agagaarka xarumaha militariga Iran, nuclear-ka iyo warshadaha ee Jamhuuriyada Islaamiga ah.

Dhacdooyinkaas ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo uu jiro dagaal qaraar oo qoto dheer oo u dhexeeya Iran iyo Israel kuwaasoo saxaafadda isku-mariyey hadalo xanaf leh.

Labada dal ayaa isku khilaafsan barnaamijka Nukliyeerka ee xukuumaddaTehran. Israa'iil ayaa sheegtay in Iran ay raadinayso in ay samaysato hubka nukliyeerka, eedaymaha Tehran waa ay beenisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM