Iiraan oo soo dhaweysay talaabo uu Mareykanka qaadey

Image
Xukuumadda Tehran ayaa dalbatay talaabooyin kale "si loo dhismo kalsoonida loo baahan yahay".

TEHRAN, Iran - Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in go'aanka Mareykanka uu uga qaadayo cunaqabateynta barnaamijka Nukliyeerka ay tahay mid wanaagsan balse "loo baahan yahay wax intaas ka badan".

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya iyadoo wadahadalo aan toos ahayn oo u dhexeeya Tehran iyo Washington ay socdaan si loo soo nooleeyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee galay heerkii ugu dambeeyay.

Cunaqabatayntan, oo u ogalaatay shirkadaha Ruushka, Shiinaha iyo Yurub inay ka fuliyaan shaqada aan faafin ee xarumaha Nukliyeerka gudaha Iran, ayaa maamulka Trump soo rogay May 2020, laba sano ka dib markii Maraykanku uu ka baxay heshiiskii taariikhiga ahaa.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay in ay ka tanaasuleyso cunaqabateynta barnaamijka Nukliyeerka madaniga ah ee Iran sababo ku aadan tallaabo farsamo oo lagama maarmaan u ah in ay dib ugu soo laabato Qorshaha Wadajirka ah ee 2015, ama JCPOA, oo ah sida heshiiska nukliyeerka ee rasmiga ah loo yaqaan.

Go'aanka xukuumadda Washington ayaa imaanaya iyadoo gorgortanka Mareykanka ay dib ugu laabanayaan Vienna waxa uu noqon karo fadhi-ku-dhigis ama nasasho.

Labada dal ayaa ilaa iyo bishii April ku yeeshay Vienna siddeed wareeg oo wadahadalo aan toos ahayn, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in dib loo soo celiyo heshiiskii quwadaha waaweyn ee Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Faransiiska, Jarmalka iyo Boqortooyada Ingiriiska - kaas oo cunaqabataynta ka qaaday Tehran si loogu beddelo xannibaadaha Nukliyeerka.

Ka dib markii Trump uu ka saaray Mareykanka heshiiska oo uu ku soo rogay cunaqabateyn adag, Iran waxay si tartiib tartiib ah dib ugu bilowday inay ku xad gudubto xannibaadaha nukliyeerka ee heshiiska.

Tehran ayaa tan iyo xilligaas waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu kaliya u yahay ujeedooyin nabadeed ayna joojin doonto haddii meesha laga saaro xayiraadyo dhaqaale ee Mareykanka saarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM

Iran oo sheegtay inay sii wadeyso Dagaalka "Illaa Guusha Laga Gaarayo" iyo Pakistan oo Dadaal Nabadeed Bilowday

Hadalka Sharif ayaa ku soo beegmay xilli weerarro culus ay ka dhacayaan gobolka, iyadoo qiiq laga arkay bartamaha Tel Aviv.

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 02:34PM