Iiraan oo UN-ka ku wargelisay qorshe ay ka fulineyso Gaza

Image
Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale waxay cambaareysay weerarada Mareykanka iyo Ingiriiska la beegsadeen Yemen.

TEHRAN, Iran - Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa “khalad istiraatiiji ah” ku tilmaamay weerarrada militari ee Mareykanka iyo UK ay ku qaadeen Xuutiyiinta.

Hossein ayaa hadalkan wuxuu khadka telefoonka ugu sheegay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, sida ay warisay wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee IRNA.

Isagoo tixraacaya xiisadaha ka taagan Badda Cas, Guterres "wuxuu muujiyay walaac ku saabsan fiditaanka iskahorimaadyada gobolka", ayay tiri IRNA.

Amir-Abdollahian ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay Guterres "in Iran ay diyaar tahay in ay gargaar bini'aadantinimo u dirto dadka Falastiiniyiinta ah ee go'doomiyey".

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa bilaabay duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyada militariga Xuutiyiinta ee gudaha waddanka Yemen 12-kii Janaayo.

Weeraradan ayaa waxa ay sheegeen in ay qaadeen si ay uga jawaabaan weerarrada soo noqnoqda ee kooxda ay taageerto Jamhuuriyadda Iran ee lagu qaaday maraakiibta mara badda cas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM