Iiraan oo weerar aargoosi dhowr jiho ah ku qaadey Yahuuda

Image
Weerarkan ayaa Bariga Dhexe waxa uu geliyay mar-xalad looga cabsi qabo "Dagaalka Saddexaad Aduunka".

DOOXA, Qadar - Israa'iil ayaa sheegtay in in ka badan 300 oo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ay kaga yimaadeen jihooyinka dalalka Iran, Ciraaq iyo Yemen, iyadoo intaas ku dartay in badidood la qabtay.

Iran ayaa sheegtay in ay fulisay weerarkan iyada oo ka jawaabaysa weerar ay Israa'iil ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Suuriya 1-dii Abriil waxayna sheegtay in arrinta hadda loo qaadan karo "mid la soo gabagabeeyey".

Japan waa waddankii ugu dambeeyay ee bayaan ka soo saara weerarka aargoosiga ah ee Iran. Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo dowlado kale ayaa horey u cambaareeyay falkan.

"Weerarkani waa mid sii xumeynaya xaaladda Bariga Dhexe ee hadda jirta," ayaa lagu yiri bayaanka wasiirka arrimaha dibadda Japan, kaas oo ku baaqay in xaaladda loo qaboojiyo sidda ugu dhaqsiyaha badan kahor inta aysan xumaanin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM