In ka badan 10 qof oo lagu dolay toogasho ka dhacday Oslo

Image
Toogashadan ayaa timid iyadoo ay magaaladu isu diyaarinaysay dhoola-tuska sannadlaha ah ee Pride.

OSLO, Norway - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday baar ku yaala caasimadda Norway ee Oslo, sidda uu sheegay taliska booliiska.

Toogashadan ayaa timid iyadoo ay magaaladu isu diyaarinaysay dhoola-tuska sannadlaha ah ee Pride. Booliiska Norway ayaa intaas ku daray in falkan uu salka ku hayo "argagixisanimo".

Maqaayada waxaa fadhiista khaniisiinta. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayo weerarka. Sidoo kale, ma jirto koox si rasmi ah dusha u saaratay mas'uuliyadda.

Ra'iisul wasaare Jonas Gahr Stoere ayaa wakaalada wararka Norway ee NTB u sheegay in waxa dhacay uu ahaa "weerar argagax leh oo lala beegsaday dad aan waxba galabsan".

“Weli garan mayno waxa ka dambeeya falkan foosha xun, laakiin dadka caqiidada ah ee baqaya ee murugaysan, waxaan rabaa inaan idin sheeno in aan idin gara-taaganahay,” ayuu yiri.

Norway oo falalkan oo kale aysan ku badneyd waxaa ka dhacay weeraro dhiig badan ku daatay 22-kii July, 2011, markaasoo uu xagjirka garabka midig Anders Behring Breivik uu dilay 77 qof.

Bishii Oktoobar, nin la sheegay in uu la noolaa xaalad caafimaad oo dhanka dhimirka ayaa qirtay inuu shan qof ku dilay weerar qaanso iyo fallaaro loo adeegsadey oo ka dhacay koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadal Iiraan lala bilaabay — maxaa dhab ah?

In ka badan 2,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalkan, badankoodna waxay….

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 06:58PM

Mareykanka iyo Israa’iil oo lagu eedeeyay inay buunbuuninayaan guulaha ay ka gaareen dagaalka Iran

Madaxweynaha ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay inuu dib u dhigi doono weerarada ilaa dhammaadka toddobaadka.

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 02:55PM