In ka badan 10 qof oo lagu dolay toogasho ka dhacday Oslo

Image
Toogashadan ayaa timid iyadoo ay magaaladu isu diyaarinaysay dhoola-tuska sannadlaha ah ee Pride.

OSLO, Norway - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday baar ku yaala caasimadda Norway ee Oslo, sidda uu sheegay taliska booliiska.

Toogashadan ayaa timid iyadoo ay magaaladu isu diyaarinaysay dhoola-tuska sannadlaha ah ee Pride. Booliiska Norway ayaa intaas ku daray in falkan uu salka ku hayo "argagixisanimo".

Maqaayada waxaa fadhiista khaniisiinta. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayo weerarka. Sidoo kale, ma jirto koox si rasmi ah dusha u saaratay mas'uuliyadda.

Ra'iisul wasaare Jonas Gahr Stoere ayaa wakaalada wararka Norway ee NTB u sheegay in waxa dhacay uu ahaa "weerar argagax leh oo lala beegsaday dad aan waxba galabsan".

“Weli garan mayno waxa ka dambeeya falkan foosha xun, laakiin dadka caqiidada ah ee baqaya ee murugaysan, waxaan rabaa inaan idin sheeno in aan idin gara-taaganahay,” ayuu yiri.

Norway oo falalkan oo kale aysan ku badneyd waxaa ka dhacay weeraro dhiig badan ku daatay 22-kii July, 2011, markaasoo uu xagjirka garabka midig Anders Behring Breivik uu dilay 77 qof.

Bishii Oktoobar, nin la sheegay in uu la noolaa xaalad caafimaad oo dhanka dhimirka ayaa qirtay inuu shan qof ku dilay weerar qaanso iyo fallaaro loo adeegsadey oo ka dhacay koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM