In ka badan 20 qof oo ku dhaawacmay duqeyn dhanka cirka ah

Image
Dowladda Ukraine ayaa sheegtey in duqeymaha ay ka dambeeyaan ciidamadda Ruushka.

MOSCOW, Russia - Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhaawacantay weerar ay diyaaradaha Russia ku qaadeen magaalada dekedda leh ee Mykolaiv, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Guddoomiyaha gobolka, Vitaliy Kim oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in laba qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarro cirka ah oo habeenkii saddexaad socda.

"Dhisme saddex dabaq ah oo la deggan yahay ayaa lagu duqeeyay bartamaha magaalada Mykolaiv subaxnimadii Khamiista," Kim ayuu ku qoray app-ka fariimaha ee Telegram.

Shan carruur ah ayaa kamid ahaa 18 qof oo dhaawacmay, sidda laga soo xigtey Kim, iyada oo aan la sheegin xaaladdooda iyo haddii ay ku jireen dhismaha la deggan yahay.

Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa uga digay Telegram in gantaalada supersonic uu Ruushku ku soo riday jihada gobolka Odesa subaxnimadii Khamiista. Waxayna dadka ugu baaqday inay is-qariyaan.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa cambaareeyay habeenkii labaad ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka iyo gantaallada lagu weeraray Odesa Arbacadii isagoo sheegay in Moscow ay weerareyso adduunka oo dhan, kaliya maahan dadka reer Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM