Ingiriiska oo loo sharciyeeyay qorshe muran xooggan dhaliyey

Image
Balse sheekada halkaas kuma eka, waxaa weli balansan dhagaysi kale oo maxkamadeed.

LONDON, UK - Maxkamad ku taala Britain ayaa dowladda dalkaasi u fasaxday in ay ku dhaqaaqdo go’aankeedii ahaa in dadka soogalootiga ah ee cusub lagu celiyo dalka Rwanda inta go’aan laga gaarayo codsiga qofka ee magangalyo doonimada.

Maxkamadda ayaa sheegtay in UK aysan ku xadgudbin qawaaniinta caalamiga ah ee qaabilaadda dadka kasoo cararaya dhibaatada. Balse waxa ay maxkamadda amartay in dowladda ay qof qof u eegto araajida dadka iyo xaaladahooda gaarka ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Ingiriiska, Suella Braverman, ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamtay mid dhiirogalin mudan. Dowladda ayaa heshiis horey ula gashay dalka Rwanda, kuna bixisay malaayiin doolar, iyada oo halkaasi laga diyaariyay goobo iyo adeegyo ay dadka helayaan.

Ujeedka ayaa ah in lagu hanjabiyo dadka kasoo gudbaya kanaalka biyaha ee Faransiiska kala dhaxeeya Britain, halkaas oo ay kaga soo gudbaan doomo halistooda badantahay.

Gabadh Soomaali ah oo lagu magacaabo Naciimo Cali oo ka tirsanayd wasaaradda arrimaha gudaha Britain ayaa shaqadaasi iskaga casishay, waxayna wasiiradda ku eedeysan takoor iyo dhaqangalinta siyaasadda kuwa xagjirka ah.

Xisbiga Mucaaradka ee shaqaalaha ayaa wuxuu aaminsan yahay in qorshahani uu yahay mid aanan shaqaynaynin, islamarkaasna dhaqaale badan ay uga baxeyso Ingiriiska.

Afhayeenka dowladda Rwanda Yolande Makolo ayaa soo dhoweysay xukunka maxkamadda, waxayna sheegtay in ay tahay talaabo dhanka wanaagsan oo loo qaaday iyo in Rwanda ay gacan ka geysato in xal waara loo helo mushkiladda muhaajiriinta Afrikaanka ah.

Balse sheekada halkaas kuma eka, waxaa weli balansan dhagaysi kale oo maxkamadeed, iyada oo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay geynayaan dacwado kale. Haddii ay guuleystaan, waxay cawaaqib ku tahay boqortooyadda Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM