Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

Image
RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

London (GO) - Ra’iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa Isniintii xaqiijiyay in qorshaha loogu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda la dhaqan gelin doono, isaga oo tixraacaya dib u dhaca sharci ee baarlamaanka ee ka hortagay ansixinta sharciga muranka dhaliyay.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa guriga uu ka degan yahay Downing Street ee magaalada London, oo uu ku soo bandhigay qaabkii ay dowladdu u abaabushay masaafurinta muhaajiriinta, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in duullimaadyadu “ay kici doonaan si kasta oo ay ahaataba.”

Hadalada Sunak ayaa yimid ka hor maalin muhiim ah oo laga yaabo in baarlamaanka meel meriyo sharciga.

Bloomberg ayaa ka soo xigtay Sunak isagoo leh, "Duullimaadka ugu horreeya wuxuu bixi doonaa 10 ilaa 12 toddobaad gudahood, taariikhdana way ka dambaynaysaa intii aan rabnay."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM