Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah
LONDON — Iran ayaa weerar dhanka internetka ah ku qaaday xarun koronto oo ku taalla Britain, taas oo muddo afar maalmood ah shaqada ka maqneyd, sida uu baahiyay wargeyska The Telegraph.
Weerarkan ayaa loo arkaa mid aan horay loo arag, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay markii ugu horreysay ee kooxo burcad-badeed dhanka internetka ah oo lala xiriirinayo dowladda Iran ay ku guuleystaan inay gabi ahaanba xiraan xarun koronto oo ku taalla Britain.
Saraakiisha Britain ayaa ka gaabsaday inay shaaciyaan magaca xarunta la weeraray, iyagoo sabab uga dhigay walaacyo la xiriira amniga. Hase yeeshee, waxaa la sheegay in shaqaalaha xaruntu ay afar maalmood ku bixiyeen sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen adeegga.
Xarunta la beegsaday ayaa la fahamsan yahay inay ahayd xarun yar, waxaana hakadkii ku yimid shaqadeeda uusan saameyn ku yeelan korontada guud ee Britain ama wax-soo-saarka tamarta dalka.
Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka, kuwaas oo saameeyay 12 gobol isla markaana walaac ka dhex abuuray Aqalka Cad.
Iyadoo laga jawaabayo weerarka, dowladda Britain ayaa warbixinno iyo talooyin amni siisay madaxda shirkadaha korontada, waxayna ganacsiyada u dirtay tilmaamo ku saabsan tallaabooyinka ay tahay inay qaadaan si ay uga hortagaan weerarro la mid ah.
Saraakiisha Britain ayaa sidoo kale uga digay shirkadaha muhiimadda ay leedahay xoojinta difaacyada dhanka internetka, iyadoo walaac laga muujinayo in weerarrada noocan ah ay qayb ka noqon karaan hanjabaadaha casriga ah ee ka imanaya Iran.
GAROWE ONLINE