Iran oo ku hanjabtay inay xiri doonto Badda Cas haddii go'doominta Mareykanka ay sii socoto
TEHRAN - Ciidanka qalabka sida ee dalka Iran ayaa soo saaray digniin culus oo ay ku sheegayaan inay xiri doonaan dhammaan isu-socodka ganacsiga ee Badda Cas, Gacanka iyo Badda Cumaan, haddii uu sii socdo go'doominka dhanka badda ah ee uu Mareykanku saaray dalkooda.
Bayaan laga baahiyay telefishinka qaranka Iran maalintii Arbacada, ayaa madaxa xarunta taliska dhexe ee ciidanka Iran uu ku sheegay in haddii Mareykanku sii wado culeyska uu ku hayo maraakiibta ganacsiga iyo kuwa saliidda ee Iran, ay taasi horseedi doonto billowga burburka heshiiskii xabbad-joogta ahaa.
Cali Cabdullaahi oo ka tirsan taliska sare ee ciidanka Iran ayaa caddeeyay in ciidankoodu aysan oggolaan doonin inay sii socdaan wax dhoofin ama soo dejin ah oo ka dhaca marin-biyoodyada muhiimka ah ee gobolka haddii xayiraaddu sii jirto.
Digniintan ka timid dhanka Tehran ayaa daba socota ku dhowaaqistii Taliska Dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM, halkaas oo lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyo ganacsiga badda ee gala ama ka baxa dalka Iran.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu Madaxweyne Donald Trump amray go'doominta maalintii Axadda, isagoo tixraacaya fashilka ku yimid wadahadalladii nabadeed ee u dhexeeyay labada dal ee ka socday magaalada Islamabad. Mareykanka ayaa sheegay in go'doomintan si siman loogu tirtirayo maraakiibta dhammaan quruumaha isku daya inay galaan ama ka baxaan dekedaha Iran ee ku yaalla Gacanka iyo Badda Cumaan.
Wararka u dambeeyay ee laga helayo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ayaa tilmaamaya in 24-kii saac ee ugu horreeyay uusan jirin markab ku guuleystay inuu dhaafo xannibaadda Mareykanka.
Lix markab ayaa la sheegay inay u hoggaansameen awaamiirta ciidanka badda Mareykanka, iyagoo dib ugu laabtay dekedaha Iran. In kasta oo xaaladdu kacsan tahay, haddana illaa 15 markab oo ay ku jiraan kuwa xambaara gaaska iyo kiimikooyinka oo laga leeyahay dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya, iyo Giriigga ayaa dhex maray marinka Hormuz, iyadoo qaar ka mid ah maraakiibta cunaqabataysan ay sidoo kale isticmaaleen marinkaas intii ay socotay hawlgalka go'doominta.
GAROWE ONLINE