Iran oo qabatay markab ay ku eedeysay "fal sharci darro ah"

Image
Dhacdadan ayaa timid bil kadib markii Tehran ay badda Cumaan kula wareegtay markab laga leeyahay Vietnam.

TEHRAN, Iran - Kumaandooska ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa gacanta ku dhigay markab ajnabi ah oo ku safrayay gacanka Persian si uu naaftada uga tahriibiyo.

Korneyl Ahmad Hajian oo ah taliyaha ciidamada badda gobolka Hormozgan ayaa laga soo xigtay website-ka warbaahinta dowlada sabtidii isagoo sheegaya in markabka lagu helay si sharci daro ah 150,000 litir (32,995 gallon) oo naafto ah.

Dhacdadan ayaa timid ka dib markii Iran ay horaantii bishan ku qabatay badda Cumaan markab laga leeyahay dalka Vietnam oo lagu magacaabo Sothys, ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada badda ee Maraykanka oo ay sii haystaan.

IRGC waxay sheegtay in markabka uu Maraykanku u adeegsan jiray "xatooyo" saliida Iran oo dhoofinteeda lagu mamnuucay cunaqabatayn hal dhinac ah oo lagu soo rogay tan iyo 2018 markii madaxweynihii hore ee Donald Trump uu ka tanaasulay heshiiskii nukliyeerka ee Iran 2015 ee quwadaha adduunka.

Markabka ayaa la sii daayay maalmo kadib dhacdada. Maraykanku waxa uu ka horyimid sheegashadda Iran ee dhacdada, isaga oo sheegay in ay halkaas u tageen in ay "la socdaan" xaaladda.

Saxiixayaasha heshiiska nukliyeerka ayaa dib ugu laaban doona Vienna bisha November si ay dib ugu bilaabaan wadahadalada looga golleeyahay qaadista cunaqabateynta Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa lagu waramay in ajandaha wadaxaajoodyadda ay qayb ka yihiin in Iran dib loogu soo celiyo si buuxda u hoggaansanaanta shuruudaha heshiiska kaasoo ay haatan kasoo horjeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM