Iran oo u yeertay safiirada Sweden iyo Denmark

Image
SAWIR HORE

TEHRAN, Iran - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay inay si gooni ah ugu yeertay Danjiraha arrimaha Sweden iyo Denmark u qaabilsan Tehran, iyadoo ka soo horjeeda aflagaadada joogtada ah ee lagu hayo qur’aanka kariimka ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa lagu cambaareeyay aflagaadada lagu hayo xurmada Islaamka, waxayna xaqiijisay in dowladaha Sweden iyo Denmark ay mas’uul ka saarantahay cawaaqibta ka dhalata.

“Iran waxa ay si buuxda mas’uuliyadda dusha ka sasareysaa dawladaha Sweden iyo Denmark” sidaasi waxa yiri madaxa waaxda xuquuqul insaanka ee wasaarada arimaha dibada Iran.

Dadka Islaamka neceb ee dalalka Denmark iyo Sweden ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay gubay bogag ka mid ah Qur’aanka, taasoo ka careysiisay caalamka Islaamka.

Wadamada Islaamka ayaa isla markaana ugu baaqay dowladaha Waqooyiga Yurub inay mamnuucaan falalkaasi, sidoo kale dalalka qaar ayaa u yeeray. Safiirada iyo diblomaasiyiinta matalaya Sweden iyo Denmark si ay ugu wargeliyaan cabshadoodi ku aadan arrintan.

Dowladaha labada dal ayaa dhankooda cambaareeyay gubida Quraanka, waxayna sheegeen inay ka fiirsanayaan soo saarista sharciyo cusub oo looga hortagayo falalka noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM