Israa'iil oo 10 qof Falastiini ah ku dishay Daanta Galbeed ee la haysto

Image
In ka badan 100 kale oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale waxay ku dhaawacmeen rasaasta.

LONDON, UK - Toban Falastiini ah oo uu ku jiro oday da’ ah iyo dhowr xubnood kale ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo saraakiil caafimaad.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlayay gudaha magaalada Nabulus, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad hubeysan oo dhexmaray rag hubeysan iyo ciidamadda Yahuuda.

Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay hareereeyeen dhismo iyaga oo raadinaya "dadka looga shakisan yahay argagixisada". Wararka ayaa intaasi ku daraya in raggaasi la toogtay, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin oo qoraal kooban soo saartey ayaa waxay sheegtay in Adnan Saabe Baara oo 72 jir ah uu ka mid ahaa dadka lagu dilay weerarka.

In ka badan 100 kale oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale waxay ku dhaawacmeen rasaasta. Todobo ka mid ah waxay ku sugan yihiin isbitaalada deegaanka iyaga oo wajahaya xaalad halis ah.

Dhacdadan ugu dambeeysay ayaa imaanaysa iyadda oo todobaadkan ay soo baxayeen warar sheegaya in isfaham uu ka shaqeeyay Mareykanka oo la doonayay in xiisada lagu qaboojiyo.

Ilaa hadda sanadkan cusub 2023-ka, ugu yaraan 50 falastiiniyiin ah – oo ay ku jiraan maleeshiyaad iyo rayid – ayaa la dilay, halka 11 qof lagu dilay weerarrada Falastiiniyiinta ee lagu bartilmaameedsanayo dhigooda ciidanka iyo dadka Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM