Israa'iil oo 3,900€ todobaadkii siinayso qof kasta oo ku biiro ciidankooda

Image

QASA (GO) - Dagaalyahan u dhashay dalka Spain lagu magacaabo Pedro Diaz Flores ayaa daaha ka qaaday in sababta oo ugu biiray ciidanka Israa’iil ay tahay lacagta aadka u badan ay bixiyaan.

Askariga ayaa si faahfaahsan u sharaxay xaaladaha uu ku nool yahay marka loo eego dagaalka socda ee ka dhanka ah Xamaas, wuxuuna qirtay inay “wanaagsan yihiin”.

Wuxuu yiri: "Waxaan u imid lacag waana ka helay, qalab fiican waa ay bixiyaan, shaqaduna waa degantahay, mushaharku waa 3,900 oo Yuuro todobaadkii."

Waxa uu intaa ku daray: "Shaqadaydu waa inaan ilaaliyo guwaarida hubka u sida Israa’iil oo kaliya."

Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa galay maalintii soddonaad, iyadoo ay sii socdaan duqeymaha ay Israa’iil ka geysanayso deegaanno kala duwan oo ka tirsan Marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM