Israa’iil oo caddeysay cidda maamuli doonto Qasa marka ay la wareegaan

Image

QASA (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Eli Cohen, oo waraysigiisii ​​ugu horreeyay siiyay warbaahinta dibadda tan iyo markii uu dagaalka billowday, ayaa sheegay in Israa’iil aysan doonayn in ay maamul iyadu leedahay ku soo rogto Qasa.

Waxa uu intaa ku daray:

"Mar haddii Xamaas la riday, Israa’iil waxay raadineysaa in ay ku wareejiso mas'uuliyadda maamulka gobolka isbahaysi caalami ah, oo ay ku jiraan Maraykanka, Midowga Yurub, iyo qaar ka mid ah wadamada muslimiinta.”

"Ma dooneyno inaan maamulno Qasa, mana rabno inaan maareyno noloshooda, kaliya waxaan rabnaa inaan difaacno dadkeena." ayuu yiri.

Cohen waxa uu sheegay in Israa’iil ay diidi doonto joojinta dagaal kasta ilaa Xamaas ay ka sii dayso 240 maxbuus oo u xiran.

Wuxuu intaas ku daray: "Annaga, waxaa noo jirta hal waddo oo aan ku heshiin karno xabbad-joojin bini'aadantinimo, taasoo ah in la sii daayo Maxaabiista."

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Dadkii Qasa ka baxay ama kuwii ku barakacay intii uu dagaalku socday waa la ogolaan doonaa inay soo laabtaan marka uu dagaalku dhammaado."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM