Israa'iil oo dishay 5 hoggaamiye oo XMS ah toddobaad gudihiis

Image

QASA (GO) - Garabka hubaysan ee ururka Xamaas Guutada Al-Qassam, ayaa Axaddii ku dhawaaqay geerida afar ka mid ah taliyeyaasha ciidankooda ee ku sugnaa Marinka Qasa, oo uu ku jiro Taliyihii Guutada Waqooyiga ee Qasa, Axmed Al-Ghandour.

Guutada Al-Qassam ayaa bayaan ay ku sheegtay kanaalka ay ku leedahay barta Telegram in afartii taliye ee lagu dilay dagaalkii “Daadadka Al-Aqsa” ay kala ahaayeen Axmed Al-Ghandour, Wael Rajab, Raafat Salman, iyo Ayman Siam.

Al-Ghandour waxa uu ka badbaaday saddex isku day dil oo ay Israa’iil ka dambeysay tan iyo sannadkii 2002-dii, sida ku xusan barnaamijka “La-dagaalanka Xag-jirnimada” ee fadhigiisu yahay Washington.

Xamaas ayaa Sabtidii baroordiiq u dhigtay hoggaamiyaha ururka, Axmed Bahr, oo ahaa ku-simaha madaxa golaha sharci-dejinta ee Falastiin.

Waxa ay tilmaantay in dhimashadiisa ay timid ka dib markii uu ku dhaawacmay duqeymaha ba’an ee ay Israa’iil ku hayso Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM