Israa'iil oo duqeymo culus ka fulisay magaalada Rafah

Image
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay qaadeen weeraro ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla Rafah.

Qasa (GO) - Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa ku warantay in khasaaraha ka dhashay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay magaalada Rafah ee Koonfurta Marinka Qasa ay gaartay in ka badan 100-qof oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee marinka Qasa ayaa sheegtay in tiro meydad ah ay soo gaareen cisbitaalka Yurub ee ku yaala magaalada Khan Yuunis oo u dhaw magaalada Rafah ee koonfurta marinka Qasa.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay qaadeen mowjado weeraro ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla Rafah, kuwaas oo sababay in uu qiiq kor u kaco, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Weeraradan ayaa lala beegsaday lix guri iyo labo masaajid, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah iyo goob-joogayaal Falastiiniyiin ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM