Israa'iil oo duqeyn ay ka geysatay Beirut ku dishay ku xigeenka madaxa Xamaas

Image
Duqeynta Israa'iil ayaa waxaa ku dhintay tiro dad ah.

BEIRUT (GO) - Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil la beegsatay xarunta Xamaas ee ku leedahay duleedka koonfureed ee Beyruut ayaa lagu dilay ku xigeenkii madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas Saleh Al-Arouri, sida ay ilo maxalli ah sheegeen.

Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Lubnaan ayaa ku warantay Talaadadii in diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay ay duqaysay xafiis ay leeyihiin Xamaas oo ku yaalla duleedka koonfureed ee Beirut.

Wakaalladda Wararka Lubnaan ayaa ku warantay in “Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay beegsadeen xafiis ay Xamaas ku leeyihiin magaalada Mushrifiyah, halkaas oo ay ku dhinteen tiro dad ah, halka gaadiidka Ambalaasta ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay si ay u daabulaan dadka dhaawaca ah.

Warbaahinta Maxaliga ah ayaa baahisay muuqaal Video ah oo muujinaya burbur ka dhacay deegaanka Mushrifiyah ee duleedka koonfureed.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM