Israa’iil oo duqeyn ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsan militariga Iraan

Image
Iraan ayaa xaqiijisay Isniintii in Israa'iil ay bixin doonto qiimaha dilka sarkaalka.

DIMISHIQ (GO) - Warbaahinta Iraan ayaa sheegtay in Reza Mousavi oo ah taliye ka tirsanaa militariga ilaalada kacaanka Iraan, lagu dilay duqeyn ay Israa’iil la beegsatay deegaanka Sayyada Zeinab ee ku yaalla magaalada Dimishiq.

Wakaalladda Wararka Caalamiga ee Tasnim ayaa ku warantay, “Waxaa duulaanka ay Sahyuuniyiinta ku qaadeen deegaanka Sayyada Zeinab ku shahiiday Sayyed Reza Mousavi, oo ka mid ah la-taliyayaasha sare ee Ilaalada Kacaanka Iraan ee ka howlgala Suuriya.”

Reza Mousavi waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah la taliyayaashii ugu da'da weynaa ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan iyo mid ka mid ah dadkii uga dhowaa Qassem Soleimani.

Dhankeeda, Iraan ayaa xaqiijisay Isniintii in Israa'iil ay bixin doonto qiimaha dilka ay u geysatay la taliyihii hore ee militariga Iraan u qaabilsanaa Suuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM