Israa’iil oo eedeyn culus u jeedisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA

Image
Katz ayaa dib u cusbooneysiiyay eedeymaha Israel ee ka dhanka ah hay'adda Qaramada Midoobay.

Qasa (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Israel Katz ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu isku dayi doono in uu ka hortago Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA in ay ka shaqeyso marinka Qasa, marka uu dhammaado dagaalka hadda socda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa “X” ayuu Katz uga falceliyay go’aankii ay Mareykanka iyo Kanada ku hakiyeen maalgelinta UNRWA, iyaga oo ku eedeeyay Hay’adda in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ka qeyb qaateen weerarkii 7-dii Oktoobar.

Katz ayaa dib u cusbooneysiiyay eedeymaha Israel ee ka dhanka ah hay'adda Qaramada Midoobay ee ah in ay u dhaqanto sidii cudud rayid ah oo ay Xamaas ku leedahay Qasa.

Wasiirka Israel ayaa ku andacooday in UNRWA aysan ahayn xal, maadaama qaar badan oo ka mid ah shaqaalaheeda ay yihiin xubno ka tirsan Xamaas lana dhacsan aragtideeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM