Israa'iil oo Gaza ku dishay 13,430 caruur ah tan iyo bishii October

Image
Xafiiska Warfaafinta Falastiin ayaa sidoo kale shaaciyay in 8,900 oo haween ah la dilay muddo 150 maalmood ah.

WASHINGTON, USA - Duqeymaha cirka iyo duulaanka dhulka ee Israel ayaa dilay 13,430 caruur ah tan iyo markii uu bilowday xasuuqa Tel Aviv ee dhulka go’doonsan ee Falastiin, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta ee Gaza.

Xafiiska ayaa shaaciyay in 8,900 oo haween ah la dilay muddo 150 maalmood ah, iyaga oo intaas ku daray in 7,000 oo qof oo 70% ay yihiin haween iyo carruur ay weli ku hoos jiraan burburka ama la la'yahay.

Xafiiska warbaahinta ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in 364 shaqaale caafimaad ah iyo 132 wariye ayaa sidoo kale la dilay muddadaas.

Isagoo ka digaya macluusha sii kordhaysa ee Gaza, xafiisku wuxuu sheegay in Israa'iil ay ka hortagtay in cuntada iyo sahayda gargaarka ay soo gaaraan magaalada Gaza.

"Ciidamadda Gumeystaha waxa ay xitaa beegsadeen baabuurta gargaarka ee isku dayaya inay gaaraan gobolka, taasoo sababtay dhimashada tobanaan qof oo cunto u raadsaday qoysaskooda," ayuu kusoo xiray qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM